DF Somaliya oo sheegtay inay dishay madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Sh/Dhexe

Sh/Dhexe  (Halqaran.com) – Ciidanka Xoogga dlaka Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo kala duwan ka sameeyeen deegaannada hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan deegaannada ku teedsan wadada xiririisa Magaaloyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Taliyaha Guutada 3-aad Qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey ayaa sheegay in Howlgal lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab, kaas oo dhowr jeer weerarro qaraxyo ah ka geystay Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Gaashaanle sare Abshir Maxamuud Maxamed Shataqeey oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in Ciidamada ay ku guuleysteen in ay howlgalka ku dilaan madaxii  qaraxyada Gobolka Shabeellaha dhexe u qaabilsanaa  Al-Shabaab iyo mid ka mid ah ilaaladiisa, sidoo kalena ay nolosha ku qabteen laba kale.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in Ciidamada Xoogga dalka ay howlgalka sii wadi doonaan illaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan amniga waddada xiririisa Magaaloyinka Balcad iyo Jowhar oo mararka qaar ay weeraro ka fuliyaan Al-Shabaab.

Ugu damebyn, Waddada xiririisa magaaloyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan meel u dhow Tuulada Gololeey ayaa waxaa ka dhacay qarax ay ku dhinteen 17 qof oo shacab ah oo ay miino kula kacday iyagoo la socday gaari Hoomeey ah iyo qarax miino oo shalay lagu dilay Korneyl Yaasiin Cabdi Tooxoow oo ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Somaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here