Mareykanka oo war kasoo saaray tallaabadii uu qaaday Farmaajo

Dowladda Mareykanka oo war kasoo saartay arrimaha Soomaaliya

Muqdisho (Halqaran.com) – Qoraal kooban oo ay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ku daabacday bogga ay Twitter ku leedahay ayay ku bogaadisay tallaabada ay qaadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Golaha Shacabka.

Qoraalka Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay inay soo dhaweynayn in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta uu qaato doorkiisa ku aadan hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya ee uu khilaafka ka taagan yahay.

“Waxaan sidoo kale soo dhawaynaynaa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu qaato doorkiisa hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya, oo ay tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto,” ayay qoraalka kooban ku tiri safaaradda Mareykanka.

Hadalkan ka soo yeeray dowladda Mareykanka ayaa yimid saacado uun kaddib markii Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen in la buriyo qaraarkii muddo kororsiga ee ay meelmariyeen 12-kii April, islamarkaana ay oggolaadeen in haatan dib loogu laabto heshiiskii ay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyadu kala saxiixdeen 17-kii September 2020-kii.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo codeynta kahor khudbad u jeediyay Golaha Shacabka ayaa golaha dib ugu celiyay qaraarkii muddo kororsiga ee 12-kii bishii tagtay April ee muddo kordhinta labada sano aheyd, islamarkaana ka codsaday inay taageraan dib ugu noqoshada wadahadallada heshiiskii 17-kii September ee hannaanka doorashada dadban.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here