Dowladda oo digniin u dirtay qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala

Muqdisho (Halqaran.com) – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in ay jiraan siyaasiyiin raba inay waxba kama jiraan ka soo qaadaan dadaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aadanaa xallinta shaqaaqooyinkii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho, isagoo siyaasiyiintaasi faray in ay ka digtoonaadaan inay sameeyaan wax aanan saacideyn dadaaladii nabadda ee la waday.

Al-Caddaala oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu maanta howlgaliyay guddi gaar ah oo loo xil saaray sidii ay u fullin lahaayeen amarkii Ra’iisul Wasaaraha ee ahaa in ciidamada ka soo horjeeda dowladda sidii ay ugu laaban lahaayeen xeryahooda.

Wasiir Alcaddaala ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu ku guda jiro sidii horey loogu dhaqaajin lahaa waxyaabihii uu ballanqaaday ee uu War-saxaafadeedkiisii shalayna ku sheegay, kaddib markii uu madaxweynuhu u xilsaaray dhaqaajinta howlaha doorashooyinka iyo amniga dalka si dib loogu hagaajiyo qalalaasihii siyaasadeed ee dalka ka dhacay.

Tallaabooyinkii ugu horreeyay ee xoogga la saaray waxa ay ahaayeen arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka, isla markaana hadda la isugu yeeray madaxda maamul-goboleedyada si xal kama dambeys ah looga gaaro doorashooyinka dalka, ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here