Amar kasoo baxay Taliyaha Booliska kaddib eedeyntii midowga musharrixiinta

Muqdisho (Halqaran.com) – Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa faray dhammaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed in ay ku ekaadaan shaqadooda oo ah sugidda amniga muwaadiniinta iyo hantidooda.

War kasoo baxay Taliyaha ayaa waxaa lagu booriyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay si wanaagsan  ula dhaqmaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, xilli ay jiran in  mararka qaar Ciidamada ay dhibaateeyaan shacabka.

Amarkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Cabdi Maxamed Xasan Xijaar ayaa u muuqda mid la doonayo in meesha looga saaro eedeyn ku saabsan in Ciidamada dowladda loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Midowga musharrixiinta iyo inta badan mucaaradka ayaa waxaa ay ku eedeeyeen madaxda muddo xileedkoodu uu dhammaaday inay Ciidamada kala qeybiyeen, sidoo kalana ay u adeegsadaan dadka kasoo horjeeda siyaasaddooda.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here