Axmed Madoobe oo Madaxtooyada Kismaayo kula kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka

Kulanka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Saraakiil ka socotay ciidamada Mareykanka

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Mareykanka ee ka howlagala Jubbaland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay sareeye guuto Maxamed Cabdi Sheekh Taliyaha guud ee Ciidamada Jubbaland iyo Gaashanle sare Maxamed Guuleed Xasan Taliye ku xigeenka Ciidamada Jubbaland.

Waxaa kulankaasi looga hadlayay sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo iskaashi buuuxa laga samaynayo sidii loo dardar galin lahaa howlgallada ka dhanka ah Kooxaha Argagixisada.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here