Maxaa ka soo baxay kulamada madaxda dowlad goboleedyada iyo ergayga Qatar

Qaar kamid ah maamul goboleedyada iyo wafdiga Qatar oo Muqdisho ku kulmay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ergayga dowladda Qatar u soo magacowday Soomaaliya Dr Mutlaq  Al-Qaxtani, ayaa kulamo la qaatay xubna ka tirsan madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Dr Mutlaq ayaa la kulmay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed cabdi kaariye Qoor Qoor iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Ergayga ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen , iyadoo kulamadaan looga hadlay xaaladda dalka iyo khilaafaadka arrimaha doorashooyinka.

kulamada uu la qaatay Dr Mutlaq madaxda dowlad goboleedyada ayaa intii ay socdeen waxaa leysla meel dhigay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka muddada dheer ka jiray doorashooyinka iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka hortagidda weerarada argagixisada.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa isna dhankiisa la kulmay ergayga Qatar Dr Mutlaq.

Guudlaawe ayaana isna kala hadlay Mutlaq sidii looga heshiin lahaa khilaafka doorashada dalka ee muddada dheer ka jiray dalka.

Dhanka kale Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani, ayaa kulan la qaatay madaxda sare ee maamulka gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish ayaa kulan la qaatay ergaygan cusub ee Qatar Soomaaliya u soo dirsatay.

Cumar Filish iyo ergayga ayaa ka wada hadleen Xaaladda magaalada Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka dalka.

Dr Mutlaq bin Maajid Al-Qaxtani, oo laba cisho ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa kulamo la qaatay madaxda dowladda Federaalka , Madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo xubno ka tirsan midowga Musharrixiinta.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here