RW Rooble oo Wasiirka Shaqada & Arrimaha bulshada u magacaabay C/wahaab Ugaas Xuseen

Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif

Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka.

Xilkaan ayaa waxaa bishii hore ee April iska diiday Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, kadib markii laga qaaday xilka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 11-kii bishii April isku bedelay Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha, Duraan Axmed Faarax oo loo magacaabay Wasiirka Gadiidka & Duulista Hawada, halka Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar loo magacaabay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, inkastoo uu maalmo kadib ka cudur daartay.

Ugu dambeyn, Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, xilligii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here